Muqdisho:  Maqaayado Ku Yaal Muqdisho oo Caawa La Weeraray.

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in weli rasaas laga maqlayo maqaayado ku yaalla degmada Hodan oo ay weerareen maleeshyada ururka Al-Shabab.

Ugu yaraan toddoba qof ayaaa ku dhimatay 24 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkaasi oo ay Al-Shabab u adeegsadeen babuur uu saarnaa qof ismiidaamiye ah oo lagu dhuftay meel u dhaxaysa labada maqaayadood.

Sidoo kale waxa la sheegay in muddo kadib ay dablay galeen dhismaha Pizza House ee magaalada Muqdishu. Qaraxa ayaa sidoo kale saameeyey dhismaha maqaayadda Posh Treats oo kasoo horjeedda.

Warar aanu ka helnay hay’adaha amniga ayaa sheegaya in ilaa afar mintidiin ah ay galeen dhismaha isla markaana ay rasaas isweydaarsanayaan ciidamada amniga.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan waxayna sheegteen oo kale in maleehsiyadooda ay weli gudaha ugu jiraan goobtaasi.

Saraakiisha Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarka. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in goobahaas ciidamadu ay kasoo badbaadiyeen ilaa 30 qof oo ku jira dhismaha maqaayadda Posh Treats iyo Pizza House.

Askarta sida gaarka ah u tababaran ee gaashaan ayaa la geeyey goobta waxaana ilaha lagu kalsoon yahay sheegayaan inay rasaas isweydaarsadeen maleeshiyada AL-Shabab ee gudaha ku jirta.

 

 

By Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *