Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Nikki Haley ayaa sheegtay in ay Qaramada Midoobay hor gayn doonto qaraar cusub oo ka dhan ah xukuumadda Kuuriyada Waqooyi.
Tijabadaas gantaalkana waxay ku tilmaantay xaaladd milatari oo cirka isku sii shareeraysa, waxaa kale oo ay ku hanjabtay in ay adeegsan doonto xayiraado ganacsi.
Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa baahisay gantaalkii Talaadadii la tijaabiyayLahaanshaha sawirkaKCNA
Image caption
Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa baahisay gantaalkii Talaadadii la tijaabiyay
Saacado uun ka dib markii ay hadalkaas sheegtay, Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa gantaalo dheeri ah ku riday badda Japan arrintaas oo qayb ka ah dhoola tus milatari.
Laakiin Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in aysan wax wadahadal ah gali doonin tan iyo inta Maraykanku uu ka soo afjarayo “siyaasadda” ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi.

By Mohamed