Qarax xooggan ayaa ka dhacay wadada weyn ee Maka Al-Mukarama ee badhtamaha magaalada Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan in baabuur walxaha qarxa lagu soo rakibay uu ku qarxay goobo ganacsi oo aad looga tukaamaysto hortooda. Dad goob joog ahaa ayaa Salaxley news u sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh. Haseyeeshee Af-hayeenka wasaaradda amniga ee Dawladda Federaalka, Axmed Maxamuud Maxamad, ayaa warfidiyeenka u sheegay in qaraxaa Muqdisho ka dhacay ay ku dhinteen 5…
"Qaraxaa Muqdisho ka dhacay oo dad rayid ah ku dhinteen"Month: July 2017
Booliska dalka Australia ayaa ka hortagay qorshe argagixisinnimo ah oo looga gol-lahaa in lagu soo rido diyaarad, sida uu sheegay ra’iisalwasaaraha dalkaasi Malcolm Turnbull. Afar nin ayaa loo xoray falkaasi. Baarayaasha dalkaasi Australia ayaa sheegaya in ay heleen macluumaad ku saabsan in la qarxiyo diyaarad, iyada oo la adeegsanayo walxaha qarxa ee guryaha lagu farsameeyo. Ra’iisalwasaaraha dalkaasi Malcolm Turnbull ayaa sheegay in qorshahaasi hadda la fashiliyay oo la qaaday hawlgal weyn oo ka dhan ah…
"Dawladda Australia ayaa ka hortagay qorshe argagixisinnimo ah oo looga gol-lahaa"Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Shilin Soomaaliga cusub ee dowladda qorsheyneyso in ay soo daabacato markii ugu horeysey muddo 27 sano ah. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegey in dowladda soo daabici doonto lacag tirsigeedu badanyahay oo isku dhegan sida Shs20,000 (labaatan kun shilin). Lacagta ugu weyn ee hadda shaqaysa waa lacagta Shs1, 000 (kunka shilin) oo la daabacay sanaddii 1991-dii…
"Dowladda Somaliya oo soo daabacaysa lacag cusub"Ra’iisalwsaaraha dalka pakistan, Nawaz Shariif ayaa xilka iska casilay ka dib markii maxkmadda ugu sarreysa dalkaasi ay go’aamisay inuusan u qalmin sii haynta xilkaasi. Baaritaanka ayaa lagu sameeyey hantida qoyska Nawaz Sharif, kadib markii sanadkii 2015-kii ay soo baxday “cadaymihii Panama”, taasi oo lagu sheegay in qoyska ra’iisal wasaaruhu ay ku lug leeyihiin shirkado ku yaalla dalka dibadiisa. Sharif ayaa si joogta ah u beeniyay eedaymaha loo jeediyay. Waa kuma Nawaz Sharif ? Garsoorayaasha maxkamada…
"Ra’iisalwsaaraha dalka pakistan, Nawaz Shariif ayaa xilka iska casilay ka dib markii"Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in howl-gal wada jir ah oo ay sameeyeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Soomaali ah lagu soo qabtay nin lagu tuhmaayo in uu ka tirsanaa kooxda al-Shabaab, kaas oo ay AFRICOM ku sheegeen in uu ahaa fududeeye Shabaabka u qaabilsanaa dhinaca qaraxyada. Ninka la xirey oo lagu magacaabo C/risaaq Xuseen Tahliil, ayaa laga soo qabtay magaalada Gaalkacyo, waxana uu hore u deganaa dalkan Mareykanka. Jamaal Axmed Cisman,…
"Mareykanka oo ka Hadlay Howlgal ka Dhacay Gaalkacyo"Dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana hal-heys looga dhigey kalmadda ‘Igu Sawir’ VS ‘Igu Dayo’.
Waxaa todobaadyadan baraha bulshada Soomaalida qabsaday olole lagu dhaliilayo dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana hal-heys looga dhigey kalmadda ‘Igu Sawir’ iyo sidoo kale olole kale oo lagu taageerayo dowladda oo loogu magac daray ‘Igu Dayo’. Ololahan waxa uu soo biloowdey sanadkii hore , waxaase hadda dib usoo cusbooneysiiyey hees cusub oo uu qaaday fanaanka Ilkacase Qeys, taasi oo hordhaceeda lasoo saaray. Heesta waxaa loogu magac daray ‘Igu Sawir’. Dowladda waxaa si gaar loogu dhaliilayaa arrin…
"Dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana hal-heys looga dhigey kalmadda ‘Igu Sawir’ VS ‘Igu Dayo’."Sayladda Xoolaha ee Hargeisa La Wadaag aIn ku dhaw hal milyan oo neef ayaa la filayaa inay ka dhoofaan dekedda magaalada Berbera ka dib markii dawladda Sucuudigu xayiraaddii ka qaadday dhoofka xoolaha. Wasiirka wasaaradda xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta warbaahinta u sheegay inay si rasmi ah dhoofkii xooluhu u bilowday. Sidoo kale, ganacsatada ka ganacsata dhoofka xoolaha ayaa iyana arrintani ku tilmaamay mid kor u qaadaysa suuqa kala-iibsiga xoolaha, taas oo…
"Somaliland: Xoolo loo Dhoofinayo Sacuudiga"Meydka Siddeed qof ayaa laga helay gaari kuwa xamuulka ah oo lagu baakimay bannaanka bakhaarka Walmart ee magaalada San Antonio, gobolka Texas ee dalka Mareykanka, sida ay booliisku sheegayaan. Labaatan kale ayaa la sheegay in xaaladdoodu ay halis tahay, ayna ku jiraan kuwo la aaminsan yahay in harraad iyo wadno garaac ay u dhimman agareen, waxaana loo qaaday isbitaalka. Booliisku ma aysan sheegin halka uu gaarigu ka yimid, balse waxay xaqiijiyeen in darawalka gacanta lagu…
"Meydka Siddeed qof ayaa laga helay gaari kuwa xamuulka ah"Hoggaamiyeyaasha labada xisbi ee aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa gaaray heshiis sharciyeed si aad ah u xaddidaya awoodda madaxweyne Trump ee ah inuu cunaqabateynta ka qaado Ruushka. Aqalka Wakiillada ayaa lagu wadaa in maalinta Talaadadada ah uu cod u qaado hindise-sharciyeed oggolaanaya cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo xukuumadda Moscow, si loogu ciqaabo faragelinta ay ku sameysay doorashadii madaxtinnimo ee Mareykanka. Madaxweyne Trump ayaa hore ugu baaqay Congresska inay u oggolaadaan in xiriir diplomaasiyadeed oo xor…
"Mareykanka oo cunaqabatayn cusub saaraya Ruushka"Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyey maamulka Israel inuu awood xad dhaafa u adeegsaday isku dhaca dhex maray ciidamada nabadgelyada iyo Falastiiniyta u mudaharaadayey Xaramka barakaysan ee Qudus. Saddex qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay shaqaaqadaa oo ka dhalatay amar ay Israel kaga horjoogsatay ragga da’doodu ka yartahay konton jirka in ay ku tukadaan salaaddii Jimcaha barxadda masaajidka ee Muslimiintu u yaqaanaan Xaram Al-Shariif, Yuhuuduna tidhaa Temple Mount. Israel waxay sheegtay in…
"Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo eedeeyey maamulka Israel"