muqdisho

Qarax xooggan ayaa ka dhacay wadada weyn ee Maka Al-Mukarama ee badhtamaha magaalada Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in baabuur walxaha qarxa lagu soo rakibay uu ku qarxay goobo ganacsi oo aad looga tukaamaysto hortooda.

Dad goob joog ahaa ayaa Salaxley news u sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh.

Haseyeeshee Af-hayeenka wasaaradda amniga ee Dawladda Federaalka, Axmed Maxamuud Maxamad, ayaa warfidiyeenka u sheegay in qaraxaa Muqdisho ka dhacay ay ku dhinteen 5 qof oo rayid ahi, kuna dhaawacmeen 10 kale oo rayida. Sidaas oo ay tahay ayaan ilaa hadda tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawacu inta ay yihiin aan la xaqiijin karin.

muqdisho

By Mohamed