London:

Murugo ayaa isu badashay caro dalka Ingiriiska, xilli kooxaha dabdamiska ay wali la tacaalayaan dab xoog leh oo Arbacadi ka kacay dabaq weyn oo ay ku noolaayeen boqollaal ruux, galbeedka magaalada London.

Waxaa soo baxaya su,aalooyin ay wajahayaan hogaamiyaasha kuwaas oo ku aadan suurtagalnimada xadgudub lagu sameeyey badbaadada dabka.

Booliska ayaa sheegay in ay dhinteen ugu yaraan 12 ruux, sidoo kalana laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay sii korodho.

Shaqaalaha dabdamiska ayaa qol qol u galay dhismaha Grenfell Tower oo ka kooban 120 abartmento, si ay u damiyaan meelo ka mid ah dhisamaha oo wali qaacaya. Waxa kale oo ay raadinayaan dad laga yaabo in ay ka badbaadeen ama dhibbane u noqdeen masiibadan.

Dabka ayaa bilowday saacado yar ka hor inta uusan waaga u baryin London Arbacadi. Dhimsaha gubtay ayaa hooy u ahaa ilaa iyo 600 oo ruux, waxana uu ku yaalaa eeriyada North Kensington ee Galbeedka Magaalada London.

Dadka maqan ayaa waxaa ka mid ah tiro carruur ah.

Kooxaha baara dabka ayaa sheegay inay tahay waqti hore in la sheego waxa sababay dabka. Duqa magaalada London, Sadiq Khan ayaa isna sheegay in waxa ay Arbacadi diiradda saareen ay aheyd baadigoobka iyo badbaadinta dadka. Hase yeeshee dad badan qaba su,aalooyin u baahan in looga jawaabo.

Ra’isulwasaaraha Britain, Theresa May ayaa ku baaqday kulan degdeg ah oo xooga lagu saarayo la tacaalidda masiibada dabkan.

By Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *