Boqorka Sacuudiga Boqorl Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa amray in shaqada laga eryo qoraa wargeys oo xamaasad badan, ka dib markii uu Boqorka barbardhigay ALLE, sida ay shaacisay saxaafadda Sacuudigu.

Boqor Salmaan ayaa badiyaa ka helayey qorayaasha saxaafadda gudaha ammaan heer dhaqan ilaa xukun tan iyo markii 81 jirka uu talada Boqortooyada qabtay sanadkii 2015.

Laakiin Ramadaan Al-Anzi oo qoraa ka ah wargeyska al-Jazirah newspaper ayaa ku tilmaamay Boqorka Salmaan “Haliim” ama “Naxariis badane” iyo”Shadeed al-Eqab” “Ciqaabtiisu kulushahay”, labadaasi erey oo Islaamku qabo inay yihiin kuwa u gaar ALLE, waxaana loo arkaa in uu ku talax tagay.

Waxaa loo arkaa dambi aad u culus oo ka soo horjeeda hannaanka ku dhaqanka sharceeda Islaamka ee Sacuudiga qof kasta oo sheegtay sagaal iyo sagaashanka magac ee ALLE.gu.

By Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *