Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku sugan wadanka Maali, halkaasi oo uu kaga qayb galayo shirka amaanka oo uu la leeyahay madaxda Afrikaanka ah ee dalalka Maali, Mauritania, Niger, Burkina Faso & Chad iyagoo rajeynaya ay sameeyaan ciidamo xoogan oo shan kun ka kooban oo ay reer Galbeedku taageerayaan si ay ula dagaalamaan maleeshiyaadka Islaamiyiinta gobolka Saahel.Faransiiska ayay ka joogaan dhowr kun oo ciidammo ah dalka Maali tan iyo markii uu faragalinta ku sameeyey afar sanno ka hor si uu uga saaro xooggaga xidhiidhka la leh ururka Al-Qaacida ee waqooyiga dalkaas.

Laakiin joogitaanka ciidamadaasi iyo toban kun oo ciidammo nabad ilaalin ah oo Qaramada Midoobay ka socdaa amaanka qaybo badan oo Maali ka tirsan ayaa ku dambeeya xaalad khatar ah.

By Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *