Lars Stindl ayaa goolka qura ee ciyaarta dhaliyay ka dib markii uu Timo Werner uga faa’iideeyay khalad ka dhacay Marcelo Diaz oo khadka dhexe uga dheela Chile.

Chile ayaa Jarmalka kaga wanaagsaneyd kubad haysashada iyo welib weerarka waxaana soo maray fursado dhowr ah oo uu xulkaasi goolal ku dhalin karay.

Gonzalo Jara oo daafaca uga dheela Chile ayaa suxul xooggan wajiga kaga dhuftay Timo Werner, waxaana uu u muuqday khalad uu ku qaadan lahaa kaarka casaanka, balse garsooraha oo kaashanaya kaaliyihiisa ciyaarta video-ga kala socda ayaa u taagan kaarka jaalaha.

Koobkan ayaa ah kii labaad ee caalami ah ee dhowr maalmood gudahood uu qaado Jarmalka, ayadoo Jimcihii uu xulka da’doodu ka yar yahay 21 jirka ay ku guulaysteen horyaalka Yurub.

Kooxda xalay u dheelaysay Jarmalka ayaa waxaa u badnaa da’ yar aan khibrad badan lahayn, waxaana xulkaasi ka maqnaa laacibiin ay ka mid yihiin goolhaye Manuel Neuer, Mesut Ozil, Toni Kroos, iyo Thomas Muller.

By Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *