Hay’addu waxay sheegtay in Suudaanta Koonfureedna laga soo sheegay tiro aan caadi ahayn oo daacuun uu ku dhacay.

Dadka daacuunka ugu dhimanaya Soomaaliya gaar ahaan carruurta ayaa ka badan kuwa colaadaha ugu dhimanaya.

Suudaanta Koonfureed ayaa sidoo kale diiwan galisay 160 ruux oo u dhimatay daacuun, taas oo aan caadiyan dhicin xilliyada aan roobabku di’in.

Sannadkii hore markii uu xilligan oo kale marayay hal ruux oo daacuun u dhintay lama soo sheegin.

Hay’adda Norwegian Refugee Council waxay sheegtay in colaadda ka jirta labadaas dal ay dhibaato baaxad leh u gaysteen nidaamyadii caafimaadka dadwaynaha, dhanka biyaha bulshada iyo waxyaabihii kale ee aasaasiga u ahaa nadaafadda.

Xoghayaha guud ee hay’adda NRC Jan Egeland ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka la gaarsiiyo biyo nadiif ah, adeegyada nadaafadda aasaasiga u ah iyo dawo si loo joojiyo faafitaanka cudurkan laga hortagi karo, wuxuu intaas ku daray in cuddurkan uu istaahilo in buugaagta taariikhda uun lagu arko.

By Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *