Dawladda Djibouti ayaa ka codsatay ururka Midawga Afrika inay goobjoogayaal u diraan xuduudda muranku ka taagan yahay ee dalkaasi la wadaago dalka Eriteria, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ciidamada Qatar oo nabad ilaalin ahaan u joogay ay halkaas ka baxeen laba toddobaad ka hor, sida ay baahisay Reuters oo soo xigatay Wasiirka Arrimaha Debedda Djibouti.

Ciidamada Qadar ayaa xuduudda labadaas dal la keenay ka dib markii ay isku dhaceen Eritrea iyo Djibouti sannadkii 2008, hase ahaatee waxay si aan hore loo sii qorshayn uga baxeen xuduudda bishii June 14-keedii.

Qadar may bixinin sababta ay xuduudda uga baxday, hase ahaatee arrintan ayaa ku soo beegantay markii Djibouti iyo Eritrea ay la safteen Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee ka soo horjeedda dalka Qadar.

Wasiirka Arrimaha Debedda Djibouti Maxamud Cali Yuusuf ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee Reuters inay u soo jeediyeen Midawga Afrika inay inay booskaas buuxiyaan, isla markaana ay si degdeg ah tallaabo u qaadaan.

By Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *