Bannaanbaxyo rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Caabudwaaq iyo Gaalkacayo dhinaceeda Koonfureed ee maamul Goboleedka Galmudug, kuwaas oo ka dhashay diidmada lacagta shilin Soomaaliga.

Banaanbaxa maanta ayaa yimid kadib markii ganacsatada la sheegay inay diideen inay furaan goobaha ganacsiga iyaga oo diiddan inay wax u iibiyaan lacago la sheegya inay been abuur yihiin.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa magaalooyin badan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya, waxaa laga diidayey isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga.

Faahfaahinta bannaanbaxan waxaa inoo haya weriyahayaga Cabdi Kaafi Yuusuf Aadan oo ku sugan magaalada Caabudwaaq.

By Mohamed