Boggii wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ee khariidadda muranka dhalisay shaaciyay oo hawada laga saaray

Iyadoo uu taagnaa muranka khariidadii Afrika ee Soomaaliya loogu daray Itoobiya ayaa waxaa maanta hawada laga saaray bogga wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ee sawirka khariidaddaas lagu daabacay.

Lama oga sababta website-kan hawada looga saaray inay la xiriirto khaladkii lagu tilmaamay inuu meel ka dhac ku ahaa Soomaaliya iyo dalal kale, kaasoo ay ka cudur daaratay dowladda Itoobiya.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ee Soomaalida ka taagneyd xiisad ka dhalatay sawirka khariidadda oo siyaabo badan loo fasirtay.

Khariidad ay Itoobiya daabacday, oo Soomaaliya aysan ku jirin
Abiy Axmed oo sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ‘hal dal’ laga dhigayo
Qoraal isla bogga wasaaradda lasoo dhigay ayaa looga cudur daartay arrintaas, waxaana lagu sheegay in isla markiiba laga saaray sawirkii sida khaldan kusoo galay.

Dowladda Soomaaliya ayaa oo markii ugu horreysay ka hadashay dhacdadaas ayaa sheegtay in ay si hoose ugala hadashay dowladda Itoobiya.

Lahaanshaha sawirkaGOOGLE
Image caption
Website-ka ayaan la ogeyn sababta loo xiray
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay inaysan ka aamusin dhacdadaas ayna u wajaheen qaab diblomaasiyadaeed.

“Waxan wuxuu ahaa wax aan micno lahayn oo khalad dhacay ah, Soomaaliya kaliyana ma khuseynin, khariidad qof ku falaaday oo aan sax ahayn bay ahayd, iyaguna markii ay khaladkooda arkeen annaguna aan kala hadalnay ayey ka saareen, cudur daar ayey ka sameeyeen, baaritaanna way sameynayaan”.

Dad badan oo ay ku jiraan diblomaasiyiin horay uga tirsanaa dowladda Soomaaliya ayaa arrintii dhacday ku tilmaamay mid xad gudub ku ah jirintaanka Qarannimada Soomaaliya waxayna mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ku dhaliileen inaysan si cad uga hadlin.

Lahaanshaha sawirkaWASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA EE ITOOBIYA
Image caption
Khariidaddan ayaa si weyn ugu faaftay baraha bulshada
khariidadda Soomaaliya ee Itoobiya la raaciyay laga reebay dhinaca Waqooyi, halkaasoo ay ka arrimiso jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Dhanka kale waxaa khariidadda lasoo sawiray aan lagu muujinin Suudaanta Koonfureed, iyadoo lagu daray dalweynaha Suudaan.

Hase ahaatee, lama oga in khariidaddan la sameeyay ka hor intii aysan Suudaanta Koonfureed ka go’in Suudaan inteeda kale.