Soomaaliga Trump ka mamnuucay magaaladiisa oo haddana aad u dalacay

Ka dib toddobaadyo olola doorashada Yurub ah ayaa inta badan siyaasiyiinta waxay qaateen nasiino ka dib markii doorashada la soo gabagabeeyay.

Balse Maajid Maajid oo 29 jir qaxooti soomaliya ah, wuxuu sii waday kulamada uu bulshada la yeelanayo. Wuxuuna ugu dambeyn ku guuleystay inuu xubin ka noqdo baarlamaanka midowga Yurub.

Waxay arrintan ahayd taariikh cusub oo uu mar kale dhigay. Waxa uu markii hore noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee duq magaalo ka noqda Sheffield.

Lahaanshaha sawirkaFAMILY PHOTO
Sida uu ku yimid UK.
Waxa uu markii ugu horeysay magaalada Sheffield yimid isaga oo ay da’diisu ahayd shan sano jir. Waxaa uu xilligaas la socday hooyadii iyo 5 walaalihiisa ah, waxayna si qaxootinnimo ah ku galeen dalka Britain.

Maajid iyo qoyskiisa ayaa ka hor inta aysan UK imaan, waxay muddo lix bilood ah ku jireen xero qaxooti oo ku taalla dalka Itoobiya. Maajid Maajid wuxuu ku dhashay magaalada Burco.

Wiil yar oo lagu dilay magaalada London
Wiil allifay Koronto xarig la’aan shaqeyneysa
Maajid ayaa mar uu wareysi bixiyay sheegay, in uusan wax badan ka xusuusan yaraantiisii islamarkaana uusan dib ugu laaban dalkii uu ku dhashay.

“Waxa aan xusuustaa in aan faraxsanaa oo aan iska ciyaari jiray si la mid ah caruurta kale,” ayuu yiri.

Maaid wuxuu ka baxay jaamacadda Hull ee ku taalla dalka UK.

Wuxuu sheegay in noolashu ay adkayd markii isaga iyo qoyskiisa ay yimaadeen UK, sida barashada luuqadda iyo in ay nolasha cusub la qabsadaan.

Lahaanshaha sawirka.
Image caption
Maajid maajid
Trump ayuu ka mamnuucay Sheffield
Maajid Maajid ayaa dad badan ka yaabiyay ka dib markii uu magaaladiisa uu Duqa ka yahay ee Sheffield uu “ka mamnucay” madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump in uu soo booqdo xilli uu safar ku joogay Britain.

Maajid ayaa ku dhawaaqay go’aankan mar uu shir gudoominayay golaha deegaanka Sheffield “taasi oo walaaltinimo loogu muujinayo dadka reer Mexico”, sida uu sheegay.

Waxa uu xilligaa Mr Trump ku tilmaamay “nin nacas ah” islamarkana laga mamnuucay magaalada” qiimaha badan” ee Sheffield.

Balse waxaa xilligaa ka so horjeedsaday qaar ka mid ah golaha deegaanka magaalada Sheffield oo sheegay in uusan lahayn awood sharci oo uu Trump kaga mamnuuci karo booqashada magaalada.

In kastoo ka mid ahaanshiyahiisa baarlamaanka Yurub ay waqti kooban ahaan doonto maadaama Britain ay ka baxayso Yurub 31 October – ayaa hadana Maajid Maajid waxay u tahay fursad dheer iyo horumar.