Dowladda Canada ayaa lagu wadaa inay soo saarto raaligelin iyo magdhw la siinayo Cumar Khadr oo horey uga mid ahaa maxaabiistii ku xirnayd xabsiga Guantanamo Bay, waxaana la sheegay in loo gaystay xadgudubyo intii uu xabsiga ku jiray, sida lagu sheegay warbixin la soo saaray.
Khadr, oo u dhashay dalka Canada islamarkana ah 30 jir ayaa sanaddii 2010kii ayaa lagu helay dembi ahaa in askari Maraykan ah uu ku dilay dalka Afqaanistaan.
Waxa gacanta lagu dhigay sanadkii 2002-dii xiligaasi oo uu jiray 15 sano, wuxuuna xabsiga ku qaatay muddo 20 sano ah.
Sanaddii 2010, ayaa maxamada sare ee dalka Canada waxa ay gudoomisay in markii su’aalaha la waydiinayay Khadr uu la kulmay xaalad cadaadis ah.
Waxa la sheegay in hadda Cumar Khadr la siin doono lacag dhan 8 milyan oo doolar.
Wargayska the Toronto Star oo soo xiganaya ilo wareedyo aan la shaacin ayaa sheegay in qareenada Khadr ay la kulmeen xeer ilaaliyaal ka socday waaxda cadaaladda bishii hore si heshiis loo gaaro.
Ku dhawaaqida raaligalinta rasmiga ah iyo magdhawga ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo todobaadka soo socda ,sida warbixinta lagu sheegay .
Mar wax laga waydiiyay ra’isul wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa ka gaabsady oo aan wax faahfaahin ah ka bixin arrintan.
Guantanamo Bay: Maxaabiis loo wareejiyay Imaaratka Carabta
Muxuu Trump ka sameyndoonaa arrinta Afghanistan?
Maxaabiis Guantanamo Bay laga sii daayay oo Cumaan gaaray
Taariikhda :Waa kumaa Cumar Khadr
Khadr, oo ahaa maxaabiiskii ugu da’da yaraa ee ku xirnaa Xabsigaasi ku yaalla Cuba ,ayaa dadka ka soo horjeeda xabsiga Guantanamo Bay waxa uu kiiskisa u noqday mid shaac baxa islamarkana soo jiitay dareenka caalamka.
Waxa lagu helay shan dembi ,oo ay ka mid ahaayeen in sannadii 2002 bam gacmeed uu tuuray uu ku dhintay Christopher Speer oo ka tirsanaa ciidmada Marayknaka.
Cumar Khadr ayaa toogasha lagu dhaawacay kadibna gacanta lagu dhigay.
Khadr ayaa la sheegay in qirashadiisa uu u qirtay saraakiisha Maraykanka dembiyadan in ay ahayd mid ku timid cadaadis iyo cagajugleyn.
Waxaa dib loo celiyay sannadii 2012 ka dib markii la aqbalay codsi ahaa in laga wareejiyo xabsiga Guantanamo uuna inta badan 8 sano ee mudada xabsigiisa uu ku qaato dalka Canada.
Sanaddii 2010, ayaa maxkamadda sare ee Canada waxay sheegtay in qaabkii ay dowladda Canada ula tacaashay kiiska la xiriira Khadr aysan xaqiijin mabaa’diida gundhiga u ah caddaalada “ayna ku tumatay xuquuqdiisa dastuuriga ah .
Omar Khadr and his lawyerLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image caption
Cumar Khadr (midig) wuxuu toban sano ku qaatay Guantanamo Bay
Sanadii 2015, ayaa garsoore waxaa uu ku sii daayay damaanad iyada oo ay jirtay in ay racfaan ka qaadatay dowladdii xiligaasi jirtay oo doonaysay in xabsiga lagu sii hayo.
Wax uu xiligaas sheegay Khadr in dadka ree Canada uu u muujin doono in uu yahay “Qof wanagsan “.
Khadr ayaa ah wiil uu dhalay nin la sheegay in ay si aad ah isugu dhawaayeen Cusama Bin Laden waxana la sheegay in uu ku milmay kooxaha mintidiinta xili ay da’diisu aad u yareyd.
Waxa dhalinyaranimadiisii uu ku qaatay dalalka Canada iyo Pakistan, halkaasi oo aabihii ay dano uga xirnaayeen.
Kiiskiisa ayaa noqday mid fikir ahaan ay ku kala qaybsameen dadwaynaha Canada.
Dadka difaaca ayaa ku tilmaamay in uu ahaa caruur la askareeyay halka kuwa kale ay ku doodayeen in uu ahaa dagaalyahan xagjir laga dhigay markii la qabanayay.

By Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *