Diyaaradda Emirates Airline ayaa sheegtay in duulimaadyadeeda Mareykanka loo fasaxay kumbiyuutarrada laptopka ee boorsada lagu qaato.

Bishii Maarso, Mareykanka ayaa duulimaadyada ku socda iyo kuwa ka soo baxaya siddeed dal oo Muslimiin u badan ka mamnuucday laptop-yada boorsada lagu qaato iyo qalabka kale ee waaweyn ee electronic ah, isagoo ka baqaya in bambooyin lagu soo xiro.

Afhayeen u hadashay diyaaradda Emirates ayaa sheegtay in xukuumadda Mareykanka ay kala shaqeysay si loo dhaqan gelin lahaa shuruucda amniga ee dhammaad duulimaadyada ku socda Mareykanka.

Diyaaradda Emirates, ayaa ah diyaaradda ugu weyn Bariga Dhexe ee u duusha 12 magaalo oo Mareykanka ku yaalla.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa kaddib markii Mareykanka uu Axaddii xayiraadda Laptop-yada ka qaaday duulimaadyada diyaaradda Etihad ee ka soo duuleusa magaalada Abu Dhabi kuna wajahan Mareykanka.

Madaxa diyaaradda Turkish Airlines ayaa isagana sheegay inuu rajeynayo in sidoo kale mamnuucidda laga qaado diyaaraddiisa mar dhow.

Sida uu dhigayo sharciga Mareykanka, qalabka ka weyn telefoonnadda smart-ka ah looma oggola in boorsada lagu qaato duulimaadyada ka soo baxaya dallaka Turkiga, Marooko, Joordan, Masar Isu tagga Imaaraadka Carabta, Qadar, Sacuudi Carabiya iyo Kuweyt.

By Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *