Arrin aan hore u dhicin dhinaca diblumaasiyada ayaa gabadha uu dhalay madaxweyne Donald Trump ee Ivanka Trump ka qayb gashay kulanka wadamada G20 mar lagaga hadlayey arrimo la xidhiidha Afrika iyadda oo mataleysa aabaheed.
Gabdhaha awoodda badan ee ay madaxweynayaashu dhaleen
Ninka uu Trump sodogga u yahay oo hogaamin doono dib u habeynta federaalka
Kulankan oo qabsoomey subaxnimadii saaka ayaa shiishka lagu saarey muhaajiriinta iyo caafimaadka,
Sawir uu mas’uulka shirka uga qayb galay Ruushku uu dhigey bartiisa tweeterka ayaa waxa ka muuqata Ivanka Trump oo fadhida meel u dhaxaysa madaxweynaha Shiinaha Shii Jinbing iyo raysal wasaaraha Britain Mrs May, Wariye ka tirsan bbcda oo ku sugan shirka ayaa sheegay in aanu hore u arag dhacdadan, caadiyan, sarkaal sare sidda xoghayaha arrimaha dibada ama masuul sare ayaa kaalintaas buuxiya.

By Mohamed