Labada gobol ee Maroodijeex iyo Togdheer ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayey saaka si rasmi ah uga bilaabantay bixinta kaadhadhka codbixinta doorashada ee ay dadku ku codayn doonaan doorashada madaxtinimada dalkaas ee la qaban doono 13 Noofember 2017.
Dadweynaha ayaa hore isu diiwaangeliyay, waxaana qof waliba ka qaadan doonaa kaadhkiisa goobtii uu markii hore iska diiwaan geliyey ee uu codkiisa ka dhiiban doono maalinta doorashada.
Gobolka Maroodijeex ayaa tirada goobaha laga bixinyo kaadhadhku tahay 342 goobood, gobolka Togdheer na waxa weeyi 222 goobood. Waxaanay masuuliyiinta gudida doorashooyinka Somaliland
sheegeen in hawshani socod doonto saddex todobaad.

By Mohamed