Daawo: Dhacdo Naxdin Leh. Dad Isku Qoys ahaa oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho

Muqdisho

Wararka ka imanaya deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerar lagu qaaday gaari halkaasi marayay ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 7 ruux.

Wararka ayaa sheegaya in dadka geeriyooday ay ku jiraan 4 ruux oo hal qoys kasoo wada jeeda.

Wariyaheenna Xuseen Barre Aadan ayaa khadka talefoonka kula xiriiray goob-jooge ku sugnaa halka uu weerarku ka dhacay oo lagu magacaabo Axmed Cali.