masul -iraq

Ra’isal wasaaraha Ciraaq, Xaydar Al-Cabbaadi, ayaa tagey magaalada Mosul waxaanu sheegay in magaalada laga xoreeyey kooxda la baxday Dawladda Islaamka.
Wuxu u hambalyeeyey ciidanka iyo shacabka Ciraaq, waxaana la filayaa in uu goor dhaw khudbd rasmi ah oo uu ku shaacinayo guushaa jeedin doono.
Maanta oo idil waxa soo baxayey warar sheegayey dagaal ka socday qaybta qadiimka ah ee magaalada, halkaas oo mitidiintu isku urursadeen.
Soddon ka mid ah ayaa la sheegay in la dilay iyagoo doonaya in ay baxsadaan oo isku tuuray webiga Dejla. Qiiqa ka baxaya badhtamaha magaalada ayaa cirka isku shareeray, waxaana la maqlayaa rasaas googoos ah wadooyinkana waxa wadhan maydka dagaalyahannadda kooxda Daacish.
masul -iraq

By Mohamed