USA iyo ruushka

Xabbad joojin ay si wadajir ah u taageerayaan dowladaha Maraykanka iyo Ruushka ayaa ka dhaqan gashay koonfur galbeed dalka Suuriya, halkaasi oo ay ku dagaallamayeen ciidanka dowladda iyo xooggaga mucaaradka ah.
H. R. McMaster oo ah lataliyaha madaxweyne Trump ee ammaanka qaranka, ayaa ku tilmaamay xabbad joojinta tallaabo muhiim ah oo loo qaaday soo afjaridda colaadda ka taagan dalkaasi.
Maraykanka, Ruushka iyo Urdun ayaa ku lug lahaa heshiiska xabbad joojintan u dhexeysa dowladda iyo xooggaga mucaaradka ah.
Deegaanka ay xabbad joojinta ka dhaqan gashay ayaa ah mid xuduud la leh Urdun iyo weliba Israa’iil.
Ruushka ayaa sheegay in booliska ka tirsan ciidankiisa ku sugan Suuriya uu dusha kala socon doono ilaalinta xabbad joojinta.
Xukuumadda Moscow ayaa dhawaan waxay soo bandhigtay qorshayaal gobollada qaarkood lagaga dhigayo goobo ka caagan dagaalka, kuwaas oo la mid ah tallaabooyin ay hore u qaadeen Turkiga iyo Iran.
USA iyo ruushka

By Mohamed