Maraykanka oo weli ka quusan xalka xaalada Khaliijka

aljaziira aljazeera
aljaziira aljazeera

Bishii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii diblamaasiyad u jareen dowladda Qadar. iyaga oo ku eedeeyay in ay deganaansho la’aan ka wado gobolka.
Mr Tillerson ayaa khibrad balaaran u leh gobolka, waxaa uuna horey madax uga ahaa shirkad shidaal , waxaana lagu wadaa in u wadahadalo la yeesho madaxda Kuwait, Qadar iyo Sacuudiga.
Sacuudi Carabiya ayaa xirtay xadkii kali ahaa ee dhul ee ay Qadar lahaydLahaanshaha sawirkaAFP
Image caption
Sacuudi Carabiya ayaa xirtay xadkii kali ahaa ee dhul ee ay Qadar lahayd
Afarta dal ee Carbeed ee hogaaaminaya go’doominta ka dhanka ah Qadar ayaa diidmada Doxa ee dalabkooda ku micneeyay halis ammaanka gobolka ka dhan ah.
Qadar oo toddobaadkan horraantiisii diiday dalabka ay soo gudbiyeen dalalkan uu Sacuudigu horkacayo ayaa iska fogaysay eedaymaha loo soo jeediyay.
War ay si wadajir ah u soo saareen isbuuci hore, ayaa Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ay sidoo kale kaga digeen tallaabooyin dheeri ah, waxayana intaasi ku dareen in diidmada Qadar ay ka dhigantahay sida ay u doonayso in ay sii wado siyaasaddeeda ay uga gon leedahay in ay ku burburiso ammaanka gobolka.
Waxaa kale oo ay ku hanjabeen in ay soo saari doonaan tallaabooyin siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhan ah dalkaas yar ee Khaliijka ku yaalla, iyaga oo aan arrintaas faahfaahin dheeri ah ka bixinin.
Xarunta telefishinka fadhigiisu yahay Qadar ee Al JazeeraLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image caption
Xarunta telefishinka fadhigiisu yahay Qadar ee Al Jazeera
Waxyaabaha ay dalalkaasi Qadar ka dalbadeen waxaa ka mid ah in ay albaabada u laabto warbaahinta Al-Jazeera iyo in ay hoos u dhigto cilaaqaadka ay Iiraan la leedahay iyo sidoo kale in ay ku soo wareejiso dad ay argagixisonimo u raadinayaan.
La wadaag
aljaziira aljazeera