denmark

Dawladda Denmark ayaa ku dhawaaqday kharashaad dheeri ah oo ay siin doonto dalalka soo koraya si loogu adeegsado qorshaynta qoyska, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay gacan ka gaysan doonto “xakamaynta caddaadiska Yurub ka haysta soo galootiga”.

Wasiirka Hormarinta Iskaashiga Denmark, Ulla Tornaes ayaa sheegtay in Copenhagen ay bixinayso 14 milyan oo doolar oo ay ku kabayso barnaamijkaas.

Waxay sheegtay in carruurta caloosha gasha iyaga oo aan loo baahnayn “in ay saamayn wayn” ku yeelato dadka iyo bulshooyinka ku nool dalalka ugu saboolsan dunida.

Laakiin waxay intaas ku dartay in ay sidoo kale muhiim tahay xakamaynta badashada bulshada Afrika.

Iyada oo ka hadlaysa shir London ka dhacay Talaadadii ayay Tornaes sheegtay in 225 milyan oo dumar ah oo ku nool dalalka ugu fiqiirsan dunida in aysan haysanin dawooyinka dhalmada lagu kala fogeeyo.

denmark

By Mohamed