israil

Laba askari oo ka tirsan booliska Israa’iil ayaa la dilay, mid seddexaadna waa la dhaawacay, ka dib toogasho ka dhacday meel u dhow goob lagu cibaadaysto oo ku taalla Quddus.

Waxaa la sheegay in ay toogteen 3 qof oo carabta Israa’iil ah meel u dhow macbad ay Yuhuuddu u yaqaannaan Temple mount, muslinkuna u yaqaanaan Xaramal-Shariif.

Booliska ayaa eryaday qolyihii weerarka gaystay oo ka daba galay gudaha xaruntaas, halkaasoo ay toogasho ku dileen.

Waxaa jiray mowjado isugu jiray weerarro lagu qaaday middiyo, rasaas, iyo gawaari dad Israa’iiliyiin ah la jiirsiiyey kuwaasoo badankood ay gaysteen Falastiiniyiin iyo carab Israa’iiliyiin ah tan iyo 2015kii.

Lab ka mid ah qolyo weerarro dhowaa qaaday ayaa u dhashay Urdun.

Booliska ayaa sheegay in 3da nin ee qaaday weerarka Jimcihii ay da’doodu u dhaxaysay 19 iyo 29 sano.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa weerarkaas cambaareeyey mar uu telefoonka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

israil

By Mohamed