trump

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay xaaladdda uu ku sugan yahay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka, inkastoo ay isa soo tarayso falanqaynta lagu hayo in ol’olihiisii doorashadu uu gacansaar la yeeshay Ruushka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayuu u sheegay in “maamulkiisu uu si qurux badan hawsha u kala wado”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale difaacay wiilkiisa, inkastoo ay soo baxday in uu la kulmay Qareenad Ruush ah intii uu socday ol’olihii doorashada Maraykanka.

Warbaahinta Maraykanka ayaana arrintaas darteed Aqalka Cad ugu tilmaantay goob uu qas ka jiro.

Donald Trump Jr ayaa la kulmay Natalia Veselnitskaya oo ah qareenad Maraykan ah isaga oo aaminsanaa in ay haysay macluumaad wax u dhimi kara Hillary Clinton oo aabihii la tartamaysay.

Trump Jr ayaa telefeshinka Fox News u sheegay in kulankaasi uu macno la’aan ahaa oo ay kaga khasaartay labaatan daqiiqo, balse wuxuu qirtay in ay ahayd in uu si kale i wajaho kulankaas.

Dadka dhaliishanna waxay sheegeen in laga yaabo in uu jabiyay qawaaniinta faderaalka.

trump

By Mohamed