hargeysa

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda diinta iyo awqaafta Jamhuuriyada Iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland ayaa lagu sheegey in kaniisadda Hargaysa oo maaalmahan hadalhaynteedu socotay ay sii xirnaan doonto.

Wasiirka wasaarada Sheekh Khaliil Cabdullaahi ayaa sheegey in kaniisadan oo gumeystihii Ingiriiska Hargaysa ka dhisey 70 sano ka hor ay xirneyd 30kii sano ee lasoo dhaafay, sidiina usii xirnaan doonto, wuxuuna intaasi ku daray in aysan jirin wax heshiis ah oo ay Somaliland cid kula gashay in la dayactiro, dibna loo furo.

Somaliland: Waxaan rajeynaynaa in dib loo billaabo wadahadalladii

Waxa uu soo xigtey qodobka 5aad ee distoorka Somaliland oo dhigaya in aan sinaba dalka gudihiisa looga dhaqan gelin karin wax ka hor imanaya sheeracada islaamka .

Wuxuu kaloo sheegay Sheekh Khaliil in xukuumadu tixgeilsay baaqyada iyo fatwada culimada waaweyn ee Somaliland qaarkood .

Koox culumo ah oo Hargaysa shir jaraa’id ku qabtay ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay ka hortagto fal kasta oo lagu hirgalinayo goobo dadka misiibixiyiinta ku cibaadaystaan, gaar ahaan kaniisada magaalada Hargaysa.

Muranka kaniisaddan ayaa beryanba ka jiray Somaliland kadib markii saxaafadda maxalliga ah qaarkood sheegeen in dib loo hawgeliyay oo la dayactiray kaniidii hargeysa ku taallay 70ka sano , taasoo wasaaradda diintu hore u beenisay .

Hargeysa oo kaliya ma ahan meelaha gumeysihii uu kaniisado ka dhisey, ee sidoo kale waxa alaga dhisey magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, halkaasi oo midna ay dagaaladii sokeeye ku burburtey, tii kale ee Kismaayana ay ururka Alshabaab burburiyeen sanado ka hor.

By Mohamed