cali/ali

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr ayaa ka hadlay xil ka qaadis la sheegay in ay baarlamaanka maamulkaasi ku sameeyeen madaxweyne ku xigeenkiisii, wuxuuna sheegey in uu soo dhaweynayo xil ka qaadistaasi.

Galayr oo BBC-da la hadlay ayaa yiri “Cabdalla Maxamuud Cali oo la doortey 2014-kii siyaabo baarlamaanka u arkay in madaxweyne ku xiguhu uusan mas’uuliyadiisa u gudanaynin waa jireen, balse markan ugu dambeysay waxaa dhacday in uu 8 bilood wadanka ka maqnaa, hawl lagu ogaa oo uu ku maqnaa ma ayan jirin, dhawr bilood ee ugu dambeeyey waxa uu joogay Nairobi iyo Xamar oo shirar lagaga soo horjeedo maamulka Khaatumo, laguna diidanaa wadahadala Somaliland uu qabanayay”.

Balse madaxweyne ku xigeenka Cabdalla Maxamuud Cago-Lule ayaa dhankiisa isna BBC-da u sheegey in ay xilkii ka qaadeen Cali Khaliif Galayr “Waa arrin iska galgalasho ah, ma jirto xil la iga qaaday , baarlamaanka waxa uu si buuxda xasaanadda oga qaaday madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, waxa lagu eedeeyeyna waa wax cad oo muuqda”

Khaatumo iyo Somaliland oo wadahadlaya

Cali Khaliif ayaa eedeyn u jeediyey maamul goboleedka Puntland, wuxuuna yiri “Arrimahaasi waxaa ka dambeysay Puntland, waxa wax isku duba ridayay, shirarkana abaabulayay, iyo cidda balamaha ka qabanaysay dowladda dhexe Puntland bay ahayd”

Cabdalle Cage-Lule ayaase dhankiisa beeniyey eedeynta Puntland, balse qirtey in dowladda Federaalka madaxdeeda la kulmeen, isaga oo yiri “Aniga Muqdisho waan tagay oo mas’uuliyiinta ugu sarsare ee dowladda federaalka waan la kulmay, dastuurka noo qoran ee Khaatumana waxa uu qeexayaa in aan xubin ka nahay federaalka, madaxweynaha isaga oo garab maraya golayaashii iyo dastuurkaba ayaa waxa uu heshiisyo la galayaa maamulka Somaliland”.

Mar Galayr wax laga weeydiiyey saamaynta ay maamulka Khaatumo ku yeelan karto eryidda madaxweyne ku xigeenka ayuu yiri “Hebel oo iska caroodey ama hebel oo danaysanaya khatar nama galineyso, walwalna naguma hayso, hangaraaricii la oran jirey lug uma dhutiyo weeye”.

Baarlamaanka Khaatumo oo ka kooban 32 xildhibaan, ayay qaarkood ka maqnaayeen madasha sida uu sheegey Galayr, waxaana u codeeyey 19 xildhibaan in xilka laga qaado madaxweyne ku xigeenka.

Khaatumo iyo Somaliland ayaa gaaray heshiis ay ku midoobayaan, balse wali ma uusan dhaqangalin heshiiskaasi. Wuxuuna heshiiska kala qeybiyey madaxdii ugu saraysay ee maamulkan.

cali/ali

By Mohamed