Maxaad kala socotaa dadka Maraykanka ah ee aan madaxweynahooda dooran karin

Toddobaadkii hore hanjabaad ka timid Kuuriya Waqooyi ayaa waxa ay ahayd in ay gantaalada riddada dheer la beegsan doonaan jasiiradda Maraykanka ka tirsan ee Guam, haddaba wariyaha BBC-da Rupert Wingfield-Hayes ayaa booqasho ku tagay jasiiraddan si uu wax badan oga ogaado muhiimadeeda. Marka aad joogtid jasiiradda Guam ee Maraykanka waxaa aad kuugu dhow Manila ee dalka Phillipine in ka badan inta ay kuu dhowdahay magaalada Los Angeles ee Maraykanka. Ma Aasiya mise Ameerika? Dhulka Maraykanka…

"Maxaad kala socotaa dadka Maraykanka ah ee aan madaxweynahooda dooran karin"

Spain ayaa sheegtay in ugu yaraan 13 qof ku dhinteen halka 80 kalana ay ku dhaawacmeen

Nin ayaa gaari waxa uu jiirsiiyay dad badan oo ku sugnaa xaafadda Las Ramblas ee caanka ku ah dalxiiska ee magaalada Barcelona. Dowladda gobolka Catatan ayaa sheegtay in ugu yaraan 13 qof halkaasi ay ku dhinteen halka 80 kalana ay ku dhaawacmeen. Booliska Spain ayaa weerrarkaasi ula tacaalaya sida weerar argagixiso oo kale. Boqollaal dalxiisayaal ah iyo dadka deegaanka ayaa gabbaad ka dhigtay dukaamo iyo kaniisado, xilli booliska ay bilaabeen inay baacsadaan darawalkii waday gaariga…

"Spain ayaa sheegtay in ugu yaraan 13 qof ku dhinteen halka 80 kalana ay ku dhaawacmeen"

Mo Faraax oo labaad ka galay tartanka 5,000 ee mitir

Mo Faraax oo Britain u orda ayaa kaalinta labaad ka galay tartanka 5,000 ee mitir horyaalka orodada caalamiga ah ee ka socda London. Orodyahankan caan baxay ayaa filayay inuu billada dahabka ku guulaysto tartankaasi, ka dib markii uu 8 maalmood ka hor ku guulaystay tartanka 10,000 mitir. Mo Faarax ayaa waxaa kaalinta koobaad ka galay Muktar Edris oo u dhashay dalka Itoobiya. Orodyahankan Britishka ah ayaa oradka 5,000 ee mitir 24-ka bishan u tartami doona…

"Mo Faraax oo labaad ka galay tartanka 5,000 ee mitir"

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa lagu dhaleeceeyay qaabka uu uga hadlay rabshaddii

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa lagu dhaleeceeyay qaabka uu uga hadlay rabshaddii uu dhiiga ku daatay ee ka dhacday magaalada Charlottesville. Haweeney ayaa ku dhimatay 19 qof oo kalena way ku dhaawacmeen markii gaari la jiirsiiyay dibad baxayaal diiddan kooxaha caddaanka cunsuriyiinta ah ee isugu soo baxay magaalada Charlottesville, ee gobolka Virginia. Boqolaal ah dadka caddaanka cunsuriyiinta ah ayaa Sabtidii magaaladaasi ka sameeyay socod ay ugu magac dareen Mideynta Kooxaha Midigta, ayna uga soo horjeedeen…

"Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa lagu dhaleeceeyay qaabka uu uga hadlay rabshaddii"

Sida ay muujinayaan tirooyinka kasoo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga, Kenya

Waxaa guud ahaan soo xirmey goobihii codbixinta dalka Kenya, waxaana inta badan meelahaasi la bilaabay tirinta codadka, inkasta oo ay biloow tahay. Sida ay muujinayaan tirooyinka kasoo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga doorashooyinka, illaa lix milyan oo cod ayaa la tiriyey marka aan warkan daabacaynay, , waxayna labada musharax ee ugu muhiimsan kala heleen, Uhuru oo heysta 54% boqolkiiba, iyo Odinga oo heysta 44%. Xarunta Bomas ee ay tirinta ka socoto waxaa ku sugan…

"Sida ay muujinayaan tirooyinka kasoo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga, Kenya"

Donald Trump ayaa sheegay in ”Kuuriyada Waqooyi ay cawaaqib xun la kulmi doonto

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ”Kuuriyada Waqooyi ay cawaaqib xun la kulmi doonto haddii ay soo handado Mareykanka”. Hadalka Trump ayaa imaanaya ka dib markii wargeyska Washington uu kasoo xigtay saraakiisha mukhaabaraatka ee Mareykanka in ay sheegeen in Pyongyang ay soo saartay Madax niyuukler oo ka yar gantaalada Mareykanka. Arrintaan ayaana waxa ay ka dhigan tahay in Kuuriyada Waqooyi ay hormarineyso hubkeeda niyuuklerka si ay awood ugu yeelato in ay duqeyso Mareykanka si…

"Donald Trump ayaa sheegay in ”Kuuriyada Waqooyi ay cawaaqib xun la kulmi doonto"

Dad badan oo ka qaxaya magaladda Nairobi ee wadanka Kenya

Dad badan oo Kenyan ah ayaa ka cabsi qaba in doorashooyinka guud ee dalkani ka dhacaya maalinta talaadada in ay ka dhalan karaan rabshado u dhaxeeya qowmiyadaha wada dega Kenya ee kala taageersan xisbiyada loolamaya. Sidaasi darteed dadka waxa ay sii jimleysanayaan dhammaan noocyada kala duwan ee cuntooyinka sida saabuunta, caanaha baakadaha ku jira, galleyda, burka, iyo salliida si haddii ganacsiyada xirmaan, rabshadna ay dhacdo in ay helaan kayd dhawr bilood ah oo ay ku…

"Dad badan oo ka qaxaya magaladda Nairobi ee wadanka Kenya"

Gantaalkii K Woqooyi oo sigay diyaarad rakaab oo ay saaran yihiin

Diyaarad Faransiiska uu leeyahay oo siday 330 qof ayaa ku dhowaatay gantaalka qaaradaha isaga gudbo ee dhowaan ay tijaabisay Kuuriyada Woqooyi, sida ay saraakiil sheegeen. Diyaaradda ayaa goobta martay 10 daqiiqo ka dib markuu gantaalka ku dhacay. Shirkadda diyaaradaha ee Air France waxay sheegeysa in diyaaradaasi aysan halis galin, balse waxay ballaarineysa in diyaaradeheeda ay ka fogeyneyso meelaha ku dhow Kuuriyada Woqooyi. Waaxda difaaca ee Mareykanka ee Pentagon-ka waxay sheegeysaa in gantaalka uu dhexmaray hawada…

"Gantaalkii K Woqooyi oo sigay diyaarad rakaab oo ay saaran yihiin"

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr ayaa ka hadlay xil ka qaadis la sheegay

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr ayaa ka hadlay xil ka qaadis la sheegay in ay baarlamaanka maamulkaasi ku sameeyeen madaxweyne ku xigeenkiisii, wuxuuna sheegey in uu soo dhaweynayo xil ka qaadistaasi. Galayr oo BBC-da la hadlay ayaa yiri “Cabdalla Maxamuud Cali oo la doortey 2014-kii siyaabo baarlamaanka u arkay in madaxweyne ku xiguhu uusan mas’uuliyadiisa u gudanaynin waa jireen, balse markan ugu dambeysay waxaa dhacday in uu 8 bilood wadanka ka maqnaa, hawl lagu…

"Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr ayaa ka hadlay xil ka qaadis la sheegay"

Somaliland oo xidhay kaniisadda Hargaysa oo maaalmahan hadalhaynteedu..

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda diinta iyo awqaafta Jamhuuriyada Iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland ayaa lagu sheegey in kaniisadda Hargaysa oo maaalmahan hadalhaynteedu socotay ay sii xirnaan doonto. Wasiirka wasaarada Sheekh Khaliil Cabdullaahi ayaa sheegey in kaniisadan oo gumeystihii Ingiriiska Hargaysa ka dhisey 70 sano ka hor ay xirneyd 30kii sano ee lasoo dhaafay, sidiina usii xirnaan doonto, wuxuuna intaasi ku daray in aysan jirin wax heshiis ah oo ay Somaliland cid…

"Somaliland oo xidhay kaniisadda Hargaysa oo maaalmahan hadalhaynteedu.."