moe

Mo Faraax oo Britain u orda ayaa kaalinta labaad ka galay tartanka 5,000 ee mitir horyaalka orodada caalamiga ah ee ka socda London.
Orodyahankan caan baxay ayaa filayay inuu billada dahabka ku guulaysto tartankaasi, ka dib markii uu 8 maalmood ka hor ku guulaystay tartanka 10,000 mitir.
Mo Faarax ayaa waxaa kaalinta koobaad ka galay Muktar Edris oo u dhashay dalka Itoobiya.
Orodyahankan Britishka ah ayaa oradka 5,000 ee mitir 24-ka bishan u tartami doona tartanka Diamond League ee ka dhici doona magaalada Zurich.
Wixii markaa ka dambeeyana waxa uu xoogga saari doonaa oradka dheer ee marathon-ka loo yaqaano, asagoo gebi ahaanba ka hari doona tartamada 5,000 iyo 10,000 ee mitir.
Mo Faarax oo afar jeer ku guulaystay orodada Olympic-ga, ayaa haysta 10 billadood oo dahab ah iyo 4 qalin ah.
La wadaag qodobkan Faahfaahin.
moe

By Mohamed