spain

Nin ayaa gaari waxa uu jiirsiiyay dad badan oo ku sugnaa xaafadda Las Ramblas ee caanka ku ah dalxiiska ee magaalada Barcelona.
Dowladda gobolka Catatan ayaa sheegtay in ugu yaraan 13 qof halkaasi ay ku dhinteen halka 80 kalana ay ku dhaawacmeen.
Booliska Spain ayaa weerrarkaasi ula tacaalaya sida weerar argagixiso oo kale.
Boqollaal dalxiisayaal ah iyo dadka deegaanka ayaa gabbaad ka dhigtay dukaamo iyo kaniisado, xilli booliska ay bilaabeen inay baacsadaan darawalkii waday gaariga dadka jiiray.
Qof laga shakiyay ayaa la xiray, walow aanay caddeyn in uu gudaha ugu jiray gaariga.
Sidoo kale booliska ayaa magacaabay qof labaad oo laga shakisan yahay oo ay ku sheegeen inuu asal ahaan ka soo jeedo Waqooyiga Afrika, kaas oo ay rumaysan yihiin inuu gaariga soo kiraystay.
Booliska ayaa goor sii horreysay sheegay inay baarayaan gaari labaad oo lala xiriiriyay weerrarka.
BBc
Steven Turner oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegey in uu arkayay gaari xawli ku socda oo dadka la jiirsiinayo “Waxaan arkay illaa 4 qof oo dhulka yaala” ayuu yiri.
spain

By Mohamed