trump

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa lagu dhaleeceeyay qaabka uu uga hadlay rabshaddii uu dhiiga ku daatay ee ka dhacday magaalada Charlottesville.
Haweeney ayaa ku dhimatay 19 qof oo kalena way ku dhaawacmeen markii gaari la jiirsiiyay dibad baxayaal diiddan kooxaha caddaanka cunsuriyiinta ah ee isugu soo baxay magaalada Charlottesville, ee gobolka Virginia.
Boqolaal ah dadka caddaanka cunsuriyiinta ah ayaa Sabtidii magaaladaasi ka sameeyay socod ay ugu magac dareen Mideynta Kooxaha Midigta, ayna uga soo horjeedeen duminta taallo loo dhisay dadkii gobolada Koonfurta Maraykanka uga dhintay dagaalkii sokeeyo ee dalkaa ka dhacay.
Socodkaasi oo ay ka qeyb qaateen kooxo taageersan Naziga iyo kuwa xagjirka ah ee KKK loo yaqaan, ayaa waxaa ku mudaharaaday dad diiddan afkaartooda. Ka dib waxaa la isula tegay gacanta, ayadoo dhinacyada ay isu adeegsanayaan feer iyo basbaaska la buufiyo.
Madaxweyne Trump oo rabshadahaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay qalalaaso ay dhinacyo badan geysteen, balse si dhab ah uma aanu dhaliilin kooxaha midigta fog.
Hadalka Trump ayaa waxaa dhaleeceeyay xubno ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga iyo qaar kale oo Jamhuuriyiin ah.
Nancy Pelosi oo ka tirsan xubnaha ugu sareeya xisbiga Dimuqraadiga iyo Marco Rubio oo ah senator Jamhuuri ah ayaa labaduba wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka uu madaxweynaha uga hadlay waxa ka dhacay Charlottesville, waxaana ay ugu baaqeen inuu ku tilmaamo weerar argagixiso oo ay geysteen cunsuriyiinta caddaanka ah.
Qaar ka mid ah dadka ka faalooda siyaasadda Maraykanka ayaa sheegay in doorashadii Trump ay awood u yeeshay kooxaha caddaanka cunsuriga ah ee dalkaasi.
trump

By Mohamed