kenya

Waxaa guud ahaan soo xirmey goobihii codbixinta dalka Kenya, waxaana inta badan meelahaasi la bilaabay tirinta codadka, inkasta oo ay biloow tahay.

Sida ay muujinayaan tirooyinka kasoo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga doorashooyinka, illaa lix milyan oo cod ayaa la tiriyey marka aan warkan daabacaynay, , waxayna labada musharax ee ugu muhiimsan kala heleen, Uhuru oo heysta 54% boqolkiiba, iyo Odinga oo heysta 44%.

Xarunta Bomas ee ay tirinta ka socoto waxaa ku sugan safiirada Maraykanka, UK iyo dalal kale oo aad u danaynaya doorashada Kenya iyo waliba kormeerayaasha.

Sida way ee loogu soo baxay codbixinta doorashada Kenya ayaa ah mid muujinaysa”in dimuqraadiyada Kenya ay qaangaadhay”, waxaa sidaasi sheegay afhayeenka dowlada Kenya,Eric Kiraithe.

“Safafka waxay ahaayeen kuwa la yaab leh ,xaqiiqadii Kenyanka aad ayay u soo baxeen si ay u codeeyaan,”.ayuu yiri Kiraithe.

Afhayeenka ayaa amaanay saraakiisha guddiga doorashada iyo xuduudadaha(IEBC),oo uu sheegay iney si wanaagsan u qabteen shaqdooda.

Mar uu ka hadlayay dib u dhaca meelaha qaar ee ay sababeen xaaladaha cimilada ,waxa uu sheegay inay dowlada diyaar u tahay in ay gacan siiso guddiga doorashada.

Madaxweynaha oo ku baaqay doorasho nabdoon

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa ku baaqay midnimo, isaga oo sheegay in uu aqbali doono natiijada, kuwa ay is hayaanna wuxuu ugu baaqay in ay sidaas oo kale sameeyaan. Wuxuu sheegay in Kenyanku ay “horay u socdaan iyaga oo hal dal ah”.

Safafka dhaadheer ayaa subixii horeba samaysmay, waxaana la soo sheegay in ay dhacday is buurasho aan badnayn.

Kenyatta iyo ninka ay is hayaan ee Raila Odinga, ayaa loo arkaa in ay aad isugu dhaw yihiin.

Geteey ImahesLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Afar siyaabood oo doorashada Kenya ay saameyn ugu yeelan karto Soomaaliya

Kenya oo xasiloon maalin ka hor doorashada

Inkasta oo mas’uuliyiintu gudiga doorashada ay xaqiijinayaan in doorashadu si cadaalad ah u dhici doonto hadana Raila Odinga ayaa walaac ka muujiyay shakiga laga qabo hufnaanta hanaanka codbixinta ee electronigada.

Todobaaadkii lasoo dhaafay masuul sare oo ka mid ah madaxda gudiga doorashada ayaa la helay meydkiisa iyada oo aan la faahfaain sababaha dhaliyay dilkiisa.

Codbixiyayaasha xaafadda Islii ee oo safaf dhaadheer ku jira

Madaxeynihii hore ee Mareyknakna Barack Obama ayaa sheegay in muran kasta oo ku xeeran doorashada loo xaliyo si nabad ah, iyada oo loo marayo hey’adaha waddanka iyo sharcigaba

Meelaha qaar dadku waxay billabeen inay safka galaan 1-dii habeenimo inkastoo ay codbixinta si rasmi ah u billaabatay 6-dii arroornimo.

Dadka Kenyanka ah ayaa waxa ay u codayn doonaan 6 jago laga soo billaabo madaxwaynaha ilaa golaha wakiilada degmooyinka.

Wararka doorashada Kenya 2017

Dadkaas codeeyay waxaa ka mid ah Mdaxweyne Kenyatta iyo Odinga

Kenyatta ayaa ku baaqay in dalku uu midoobayLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionKenyatta ayaa ku baaqay in dalku uu midoobay
Odinga ayaa shaki ka muujiyay in uu cabsi ka qabo in lagu shubtoLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionOdinga ayaa shaki ka muujiyay in uu cabsi ka qabo in lagu shubto

Si uu musharaxu ugu guulaysto jagada madaxwaynaha wareega kowaad, waxaa looga baahan yahay boqolkiiba 50 lagu daray 1(50+1)oo ka mid ah codadka la dhiibtay.

Doorashadii aanu soo dhaafnay Mr Kenyatta ayaa ku guulaystay doorashada isaga oo helay 50.51 boqolkiiba halka Mr Odinga uu helay 43.7 boqolkiiba.

Haddii la waayo musharrax hela boqolkiiba 50 iyo hal cod , wareeg labaad ayaa la galayaa ,waxana ay tahay in doorashada wareega labaad la qabto mudo 30 maalmood gudahood ah.

By Mohamed