tr

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ”Kuuriyada Waqooyi ay cawaaqib xun la kulmi doonto haddii ay soo handado Mareykanka”.

Hadalka Trump ayaa imaanaya ka dib markii wargeyska Washington uu kasoo xigtay saraakiisha mukhaabaraatka ee Mareykanka in ay sheegeen in Pyongyang ay soo saartay Madax niyuukler oo ka yar gantaalada Mareykanka.

Arrintaan ayaana waxa ay ka dhigan tahay in Kuuriyada Waqooyi ay hormarineyso hubkeeda niyuuklerka si ay awood ugu yeelato in ay duqeyso Mareykanka si ka degdegsiimo badan sidii la filayay.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa dhawaan meel marisay cunqabateyno dhanka dhaqaalaha oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi.

Golaha Ammaanka ayaa dhankiisa si wada jir ah isugu raacay in la xayiro waxyaabaha Kuuriyada Waqooyi ay dibadda u dhoofiso iyo xakameynta maalgashigeeda.

Xiisada ka dhex aloosan labada hoggaamiye ayaa sii xumaatay ka dib markii Pyongyang ay tijaabisay laba gantaal oo nuuca isaga gudba qaaradaha ah bishii July, waxa ayna sheegatay inay haatan awood u leedahay duqeynta Mareykanka.

MTrump ayaa u sheegay weriyayaasha Talaadadii in Kuuriyada Waqooyi ay u wanaagsan tahay in aysan u cagajugleyn Mareykanka.

Trump ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay la kulmi doonto cawaaqib xun oo dunidu aan horey loogu arkin noociisa.

By Mohamed