airplane

Diyaarad Faransiiska uu leeyahay oo siday 330 qof ayaa ku dhowaatay gantaalka qaaradaha isaga gudbo ee dhowaan ay tijaabisay Kuuriyada Woqooyi, sida ay saraakiil sheegeen.

Diyaaradda ayaa goobta martay 10 daqiiqo ka dib markuu gantaalka ku dhacay.

Shirkadda diyaaradaha ee Air France waxay sheegeysa in diyaaradaasi aysan halis galin, balse waxay ballaarineysa in diyaaradeheeda ay ka fogeyneyso meelaha ku dhow Kuuriyada Woqooyi.

Waaxda difaaca ee Mareykanka ee Pentagon-ka waxay sheegeysaa in gantaalka uu dhexmaray hawada ay diyaaradaha ku badan yihiin.

Saraakiisha Mareykanka waxay si joogto ah uga digaan in ay jirto halis ay sababayaan gantaallada ay maamulka Pyongyang tijaabiso.

Wadada diyaaradda Boeing 777 ayaa ahayd jasiiradda Hokkaido ee Japan xilli gantaalkana uu hawada ku soo jiray.

Air France waxay diyaaradeheeda ka fogeyneysaa nawaaxiga Kuuriyada WoqooyiLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionAir France waxay diyaaradeheeda ka fogeyneysaa nawaaxiga Kuuriyada Woqooyi

Japan iyo Mareykanka ayaa qiyaasaya in madfacaasi uu aad ugu soo dhowaaday diyaaradda uuna u jiray 100km illaa 150km.

“Wuxuu ku duulay hawada ay diyaaradaha isticmaalaan, wuxuuna ku dhacay badda gaarka u ah Japan ee diyaaradaha iyo doomaha ganacsiga ay adeegsadaan”, ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka, Capt Jeff Davis.

Air France waxay ku adkeysaneysaa in gantaalka uusan ka muuqan wadada diyaaradda ee maalintaas, dhib la’aanna ay diyaaradda ku sii socotay.

“Akhbaarta aan hadda hayno ee marxaladdii diyaaradda waxay muujineysaa in gantaalka uu ku dhacay badda meel illaa 100km u jirtay goobta diyaaradda ay ku duuleysay” ayey tiri shirkadda Air France.

Bishii July ee 2014-kii, diyaaradda Malaysia ee MH17, oo ka soo duushay Amsterdam kuna sii socotay Kuala Lumpur, ayaa burburtay ka dib markii uu ku dhacay gantaal la sheegay in Ruushka lagu sameeyay.

Diyaaradda oo ku dhacday Ukraine waxaa ku dhintay 283 qof oo la socotay.

airplane

By Mohamed